Home Wararka Maanta Xuutiyiinta Yemen oo doonaya xiriir inay la yeeshaan Mareykanka

Xuutiyiinta Yemen oo doonaya xiriir inay la yeeshaan Mareykanka

Kadib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qaraar ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xuutiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay doonayaan xiriir inay la yeeshaab Mareykanka.

Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay 2015 kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukumadda ismagacawday ee Xuutiyiinta, Hisham Sharaf Abdullah, waxa uu ku sheegay inay doonayanaan inay dhisaan xiriir ay la yeeshaan Mareykanka, iyadoo dhinacayda dalkaasi ku dagaalamaya ay raadinayaan xal ka soo baxay dadaalka ay Qaramada Midoobay Hormuudka ka tahay.

SHARE