Home Wararka Maanta Xoogaga Shabaab oo bilaabay inay bartilmaameydsadaan dad gaar ah oo ku sugan...

Xoogaga Shabaab oo bilaabay inay bartilmaameydsadaan dad gaar ah oo ku sugan Degmada Badhaadhe

Xoogaga Ururka Al Shabaab oo maanta dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay ku xir xireen dad ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen Ciidanka Kenya.

Ciidanka Kenya oo muddo saddex sano ka badan ku sugnaa Degmada Badhaadhe, ayaa aroornimadii hore ee saakay isaga baxay Degmadaasi, iyagoona dib ugu laabtay dalkooda, markii ay ka gudbeen Xuduuda labada dal.

Saraakiil Ururka Al Shabaab ka tirsan oo barqanimadii maanta dadka deegaanka kula hadlay goob Fagaara ah, ayaa waxay ugu cago jugleeyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan, kuwoodii la shaqaynaayay Ciidanka Kenya iyo kuwii kalaba ee wax ka iibin jiray. Waxay kaloo sheegeen inay mid mid u garanayaan dhammaan kuwaasi.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta gacanta ku dhigay illaa 10 qof, ka gadaal markii ay hawlgalo ka sameeyeen guryahooda.

Wararka laga helaayo Degmada Badhaadhe, ayaa waxay xaqiijinayaan in tani ay baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka. Dadka qaarkood waxay walaac ka muujiyeen xariga loo gaystay xubno ka tirsan eheladooda.

Marka laga soo taggo hawlgalada ay Shabaabku ku xir xirayaan dadka deegaanka, ayaa waxaa dhanka kale jira dad wada shaqayn ay kala dhaxeysay Ciidanka Kenya, oo horey u sii raacay Ciidankaasi.

Iyadoo la’ogsoon yahay in Ciidanka Kenya ay dhibaato ku hayaan shacabka Somaliyeed, ayaa waxaa dhanka kalana kuu muuqanayso dhibaatada kale, ay Shabaabku ku hayaan bulshada.

SHARE