Home Wararka Maanta Xilliga ay dhaceyso Doorashada laba Kursi Baarlamaan oo la shaaciyay

Xilliga ay dhaceyso Doorashada laba Kursi Baarlamaan oo la shaaciyay

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “ Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horay u soo buuxiyay Doorashada Kuraas kala duwan oo ka banaaneyd Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo doorashadooda lagu qabtay Muqdisho & Gobolada dalka.

SHARE