Home Wararka Maanta Xildhibaano ka soo horjeestay heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

Xildhibaano ka soo horjeestay heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa waxa ay si adag uga soo horjeesteen heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Hoggaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in heshiiskaasi uusan waxba ka bedeli karin dhismaha Maamulka Galmudug, maadaama ay sheegeen Galmudug inay ku dhisan tahay rabitaanka 11 qabiil oo dega deeganada Maamulkaasi.

Heshiiskaas ayaa dhigaayay in Madaxweynaha Ahlu Sunna laga dhigayo madaxa Golaha Wasiirada ee Galmudug, sidoo kalena Ahlu Sunna soo magacaabaneyso Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, iyada oo calanka iyo magaca Galmudugna ay sidiisa ahaanayaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee ka soo horjeestay go’aankan waxa ay sheegen in Afar ruux aysan waxba ka bedeli karin Maamulka Galmudug sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaannada ayaa ku doodaya in aan iyaga lagala tashan, sidoo kalena Golaha Wasiirada Galmudug aan la marsiin, sidaas darteedna aysan sharci ahayn waxa lagu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shalay ayaa Munaasabad ka dhacday Madaxtooyadda Somaliya waxaa si rasmi ah loogu dhameystiray heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku wada gaareen dalka Jabuuti.

SHARE