Xildhibaanada oo ku xaadiray xarunta Golaha shacabka

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa si toos ah ugu xaadiray xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaaka.

Shirka Baarlamaanka waxaa furay Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Cismaa Cilmi Boqore oo ka hadlay habka nidaamka loo baahan yahay inay noqoto doorashada.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa Xildhibaanada cusub faray inay u hogaansamaan nidaamka, islamarkaana ay yareeyaa dhaq-dhaqaaqa iyo buuqa xarunta Golaha shacabka ee MagaaladaMuqdisho.

C/raxmaan Ducaale Bayleh oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in maanta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka ay maanta dhaceyso.

Waxa uu sheegay Beri inay dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad iyo labaad, lana doonaayo habeen dambe in Guddoonka Baarlamaaka oo dhameystiran in lahelo.

Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa fadhiya Madasha Doorashada ay ka dhaceyso.

Musharaxiinta ayaa kala ah.

  1. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
  2. C/fitaax Ibraahim Geeseey.
  3. Idiris Cabdi Dhaqkhtar.
  4. C/rashiid Maxamed Xidig.

Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com