Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Muqdisho kulan ku leh

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Muqdisho kulan ku leh

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay leeyihiin kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo hal ajande looga hadli doono kulankaan.

Waxaa xildhibaannada loo qaybin doonaa, lagana hor akhrin doonaa qorshe hawleedka guddiyada Golaha Shacabka Somaliyed, kuwaasi oo ay soo diyaariyeen Guddiyada kala duwan.

15-ka guddi ee Golaha Shacabka ayaa mid walbo wuxuu soo dhameystiray qorshe howleedkiisa, waxaana maanta si dhammeystiran loo akhrin doonaa guddi walbo iyo qorshihiisa.

Akhrinta ayaa noqon doonto intii Xildhibaanada ay ka gaaraan ee waqtiga uu u saamaxo, maadaama Guddiyada ay gaarayaan tiro ahaan 15 Guddi warbixino kala duwan ay soo diyaariyeen.

Ciidamada Booliska ayaa adkeeyay ammaanka xarunta Golaha Shacabka Somaliyed, halkaasi oo la soo dhigay ciidan badan.

Inta badan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, xilliyada ay shirayaan waxaa loo xiraa wadada Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo dadka shacabka ah loo diido inay maraan.

SHARE