Xildhibaanada Galmudug oo Amisom ka dalbaday inay sugaan amnigooda

Kadib markii xubnaha Baarlamaanka Galmudug, gaar ahaan Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa xildhibaanadii gudbiyay Mooshinkaasi waxaa soo food saaray walaac dhanka ammaanka ah.

Xareed Cali Xareed Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u sheegay Warbaahinta Amisom iyo ciidanka Nabad Suggida inay ka dalbadeen in la suggo ammaanka Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug waxa ay ku shiraan xarun ku taallo Magalada Cadaado oo ay kireysteen, kadib markii loo diiday inay ku shiraan Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug oo Mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada, ayaa la sheegayaa inuu wado galaangal ku aadan sidii uu u kala fur furi lahaa Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay.

Madaxweyne Guuleed oo Maamulka Galmudug ka dhig mid fadhiid ah, ayaa shaqadiisa ugu badan wuxuu ku bixiyaa inuu u ololeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale doonaayo inuu u tartamo xilka madaxtinimada Somaliya.

Qatarta amni ee ay dareemayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaanan la ogeyn rasmi ahaan halka ay kaga imaanayso.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com