Xildhibaanada Ahlu Sunna oo Dhuusamareeb lagu dhaariyay (SAWIRRO)

Iyadoo shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa Xildhibaanadaasi waxaa lagu dhaariyay isla Magaaladaasi.

Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

Xildhibaanada Ahlu Sunna Dhuusamareeb ay ku soo bandhigeen ayaa gaaraya tiradooda 65 Xildhibaan, kuwaasi oo noqonaya kuwa u shaqeeya Maamulka.

Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si adag ula dar daarmay Xildhibaanada cusub ee xilkooda loo dhaariyay.

“Xildhibaanada sharafta leh ee halkaan ku kulansan, waa taariiq weyn kulankii ugu horeeyay ee uu qaadanaayo Baarlamaanka dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, waxaan ku dar daarmayaa inay hagaan shacabkooda oo diinta ay ku hagaan, aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa, waxaan ku boorinaynaa inay kasbadaan shucuubta walaalaha ah ee Goboladan ku nool.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

“Hadii ay jirtay Doorasho dhaqaale lagu socod siin jiray, hadii ay jirtay Doorasho la is gadanaayay, waa ka duwan tahy midaane oo waa xalaal.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

dhuusamareeb-1 dhuusamareeb-2 dhuusamareeb-3 dhuusamareeb-4 dhuusamareeb-5


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com