Home Wararka Maanta Xildhibaan Saabir : Wasiirka Amniga hal Taliye ma maamulo ee ha iscasilo

Xildhibaan Saabir : Wasiirka Amniga hal Taliye ma maamulo ee ha iscasilo

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa sheegay inuusan jirin hal taliye Ciidan uu Maamulo Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Xildhibaanka, ayaa wuxuu sheegay dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada inay hoostagaan Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, islamarkaana Wasiirka amniga uu meesha u joogo magac u yeel kaliya.

Waxa uu ugu baaqay Xildhibaan Saabir inuu iscasili Wasiirka Amniga Somaliya, maadaama uusan jirin sida uu yiri Taliye uu maamulo oo jooga Hay’addaha ammaanka.

“Wasiir amni oo Wasiir amni iska ah oo wax uu xukumo uusan jirin oo Taliye ka amar qaata uusan jirin Saaxiibkey Ducaalle, aad ayaan uga xumahay inuusan u madax banaaneyn shaqadiisa, Wasiirka waxaa la habooneyd haddii uusan shaqadiisa u madax banaaneyn run ahaantii inuu mar hore isaga tago ayaa fiicnayd.” Ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynaayay inuu masuul ka yahay fashilka amnidaro ee ka jira Magaalada Muqdisho oo Hay’addaha ammaanka dowladda ay wax ka qaban waayeen.

SHARE