Home Wararka Maanta Xildhibaan Dalxa: Baarlamaanka ayaan u gudbinaynaa Kufsiga ka dhaco wadada Baydhabo &...

Xildhibaan Dalxa: Baarlamaanka ayaan u gudbinaynaa Kufsiga ka dhaco wadada Baydhabo & Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Shacabka BFS ay horgeyn doonaan tacadiga iyo dhibaatooyinka shacabka ku safra wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho ay la kulmaan.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in dhibaatooyin joogta ah ay la kulmaan shacabka ay ku matalaan Golaha shacabka ee ku safra wadooyinka gobolada dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kana mid ahaan wafdigii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku wehlinaayay safarkii uu Baydhabo ku tagay ayaa sheegay in kulan gaar ah laga yeelan doono xal u helida xaaladaha taagan.

Waxa uu xusay in guddoonka Golaha shacabka ay u gudbiyeen cabashooyinka iyo dhibaatooyinka haysta shacabka koofur galbeed hadana ay rajeynayaan in Golaha Shacabka u gudbinayaan.

“Dhibaatooyin kala duwan ayaa ka jira wadada, oo isugu jiraan dhac, Kufsi iyo Boob, laga soo bilaabo Afgooye illaa Buur, Afgooye illaa Baraawe, ciidanka qaar ayaana gaysta, Gudoonka Golaha Shacabka waan u gudbin doonaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ee ka kala tirsan Gobolka Banaadir iyo gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin taasi oo ah in dhac iyo dhibaato loo geysto shacabka isticmaalaya wadada.

SHARE