Home Wararka Maanta Xaaf oo magacaabay Caasimadda KMG ee Galmudug

Xaaf oo magacaabay Caasimadda KMG ee Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay caasimadda KMG ee Maamulka Galmudug inay noqoto Magaalada Cadaado.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, ayaa lagu magacaabay Caasimadda KMG ee Galmudug inay tahay Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa u magacaabay Ilyaas Maxamuud Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Galmudug.

Labadan Digreeto ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha.

Galmudug ayaa tan iyo markii la aas aasay waxa ay ku shaqeynaysay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Galmudug, inkastoo hadda Xaaf uu si KMG ah  u sii sharciyeystay Cadaado inay ahaato caasimadda Galmudug.

Galmudug ayaa waxa ay sheegtay inay wada hadal kula jirto Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe oo gacanta ku haayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

 

SHARE