Home Wararka Maanta Weerar cir & dhul isugu jiray oo laga fuliyay Janaale

Weerar cir & dhul isugu jiray oo laga fuliyay Janaale

Ciidan Somali & kuwa Mareykan isugu jiray ayaa weerar qorsheysan waxa ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen Degmada Janaale oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada Mareykanka oo ka dagay diyaarado dagaal ayaa duleedka Degmada Janaale waxa ay isaga hor yimaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal culus.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi Ciidamada Huwanta ku dhexmaray Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa haddana Saraakiil ka tirsan Dowladda waxa ay sheegeen Shabaab in khasaare lagu gaarsiiyay weerarka.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa bar bar socday duqeyn Diyaarado ay ka fuliyeen gudaha Degmada Janaale, duqeyntaasi oo meelo kala duwan oo Magaalada ka mid ah ku dhacday.

Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen ayaa la sheegay guryo qaar oo dad shacab ah ay dagan yihiin inay ku dhacday, halka ay jiraan goobo Shabaab ay ku sugnaayeen duqeynta qaar inay ku dhacday Sida Saraakiil ay xaqiijiyeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay fashiliyeen isku dayga weerarkaasi qorsheysnaa ee Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida, balse arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Shabaab.

SHARE