Home Wararka Maanta Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka cusub ee UNICEF (SAWIRRO)

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka cusub ee UNICEF (SAWIRRO)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka.

Masuuliyiintan ayaa si gaar ah uga wada hadlay barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa wakiilka cusub u rajeeyay in hawlihiisa uu si wanaagsan u guto.

SHARE