Home Wararka Maanta Wasiirka Ganacsiga oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dowladda China (SAWIRRO)

Wasiirka Ganacsiga oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dowladda China (SAWIRRO)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo Hoggaaminaya waftiga Soomaaliya uga qayb gelaya Shirka Second Belt and Road Forums ee ka dhacaya Magaaladda Beijing ee dalka China ayaa la kulmay Wasiiro fara badan oo isugu jira kuwa dalka shirka marti geliyey ee China iyo kuwa Ganacsiga iyo Warshadaha ee shirka ka qayb gelaya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayid Maareeye ayaa madaxdii uu la kulmay kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Horumarinta Ganacsiga dalka iyo Maalgashiga Soomaaliya.

SHARE