Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga iyo Abuu Mansuur oo kulmay

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Abuu Mansuur oo kulmay

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, wuxuu kula kulmay Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya isku soo dhiibay.

C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa kulan albaabada u xirnaa inay la qaateen Abuu Mansuur.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Degmada Xudur, ayaa la sheegayaa in looga hadlaayay sidii Abuu Mansuur looga dhaadhicin lahaa in loo soo qaado Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Federalka Somaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa sheegay in shirka uu socdo, ayna jiraan arrimo kale oo labada dhinac ay ka wada hadlayaan.

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Difaaca Somaliya ayaa doonaya in Abuu Mansuur uu ka soo kaxeeyo Magaaalda Xudur, uuna keeno Magaalada Muqdisho, maadaama sidaasi amar ay ku bixiyeen Madaxda Dowladda sida ilo wareedyo ay xaqiijiyeen.

Garoonka Diyaaradaha Degmada Xudur ayaa waxaa fadhisa diyaaradii lagu qaadi lahaa Abuu Mansuur, kolka uu ogolaado in loo soo qaado Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Abuu Mansuur ayaa saaka laga soo kaxeeyay duleedka deegaanka Abal ee Gobolka Bakool, kadibna waxaa la geeyay Degmada Xudur  halkaasi oo iminka uu ku sugan yahay.

SHARE