Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), ayaa xilalkii iska casilay.

Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa waxay durbaba ay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka u magacaabeen General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod).

Wasiirka Gaashaandhiga, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu isagana is casilay, ka dib markii warqadda istiqaaladda uu u gudbiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa ka aqbalay is casilaadda uu sameeyay Wasiirkiisii Gaashaandhigga, lamana sheegin waxa xilligan keenay in uu xilkaasi iska casilo.

Tallaabada ay isu casileen masuuliyiintan, ayaa waxay waxay ku soo beegmaysaa, xilli xiisad siyaasadeed oo xoogan ay ka dhex taagan tahay Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada.

SHARE