Home Wararka Maanta Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku guuleystay Doorashada Kursi Xildhibaanimo

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku guuleystay Doorashada Kursi Xildhibaanimo

C/laahi Faarax Wehliye Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku guuleystay Doorashada Kursigii Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin.

Doorashada ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana ku tartamaayay saddex musharax.

1- C/laahi Faarax Wehliye ayaa ku soo baxay codad dhan 28 oo ay ku doorteen Ergadii doorashada.

2- Maxamed Cilmi Afraxa (Mideeye) ayaa wuxuu helay codad gaaraya 17 cod, sida Guddiga ay halkaasi ka sheegeen.

3-Cabdulle Faarax Xersi ayaa helay saddex cod, saddex kalena waa ay xumaadeen.

Sidaasi Doorashada Kursigii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, waxaa ugu guuleystay C/laahi Faarax Wehliye oo noqday Xildhibaan.

C/laahi Faarax Wehliye oo sidoo kale ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya, ayaa wararka waxa ay sheegayan inay wadatay Madaxtooyadda Somaliya.

SHARE