Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay meel ku dhaw saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliya, gaar ahaan qeybta Dambi baarista.

Ragga dillka geystay oo ahaa laba Dhalinyaro ah ayaa waxa ay sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadibna goobta ayay ka baxsadeen, maadaama ay hubsadeen in ay dileen ninkan.

Goobta lagu dilay sarkaalkan ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo markii ay maqleen Rasaasta aanan ku bixin, sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen, taasi oo u muuqata masuuliyad daro.

“Waxaan kuu sheegaa in galabta xilligii Salaada lagu jiray ayaan marqura ka maqalnay xabado aagga xarunta degmada, kadib markii aan banaanka u baxnay ayaan maqalnay in la dilay Sarkaal Boolis ah, Ciidamo ayaa yimid oo qaaday Meydka, Howlgal ayay wadaan Ciidamada.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna baaritaano amni xaqiijin ah ka wadaan xaafada uu dilka ka dhacay, iyaga oo ku raadjooga Dabelyda dilka geysatay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo xalay kulan ammaanka looga hadlayay la qaatay Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa wuxuu u sheegay in shaqada uu weynayo Guddoomiyihii wax ka qaban waaya falalka amniga ka baxsan ee ka dhaca degmadiisa.

SHARE