Wararkii ugu dambeeyay Degmada Ceelwaaq iyo cidda hadda ku sugan

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa maanta dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii ay Shabaabku si iskood ah uga baxeen.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, Korneyl Warfaa Sheekh Aadan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Somaliya, ay dib ugu laabteen Degmadaasi.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay inay degan tahay xaaladda Ceelwaaq, markii ay isaga baxeen Xoogaga Ururka Al Shabaab, si nabdoona ay ula wareegeen Ciidamada Dowladda.

“Aad bay u degan tahay xaaladda Degmada Ceelwaaq. Ciidamada Dowladda ayaa hadda ku sugan, wax dagaal ahna kama dhicin, nimankii Shabaabka ahaa way isaga baxeen.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa yiri “Qoysaskii ka barakacay guryahooda waxay bilaabeen dib inay ugu soo laabtaan, sababtoo ah waxay arkayn in nabadgelyadii ay soo celiyeen Ciidamada Dowladda.”

Ibraahim Guuleed Aadan, Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq, ayaa isaguna sheegay inay maanta Degmadaasi aas ugu sameeyeen Saraakiishii iyo Ciidamadii Dowladda ee dagaalka lagu dilay.

“Saraakiishii iyo Ciidamadii lagu dilay weerarkii shalay, maanta ayaanu ku aasnay Degmada Ceelwaaq. Waxaan aasnay laba Sarkaal iyo lix askari, Saraakiisha aanu aasnay waxay kala yihiin Korneyl Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) iyo Korneyl Cismaan Cali.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq oo la hadlay Warbaahinta.

Gudoomiyaha, ayaa xusay inay degan tahay xaaladda Ceelwaaq, walow sida uu sheegay ay mintidiinta Shabaabku ku sugan yihiin duleedyada Degmada.

“Xaaladda Degmada Ceelwaaq aad iyo aad bay u degan tahay, inkastoo aan maqleeno in nimankii shalay soo weeraray ay ku sugan yihiin duleedyada.” Ayuu yiri Ibraahim Guuleed.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com