Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal barkhanimadii maanta ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, kaasi oo socday Saddex saac wax ka badan.

Dagaalka ayaa wuxuu ahaa mid ay isku adeegsadeen labada dhinac hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana labadoobada ay isku eedeeyeen masuuliyadda dagaalka.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Saddex Askari oo ka tirsan Somaliland ay ku dileen dagaalka, sidoo kalena ay dhaawaceen Toban kale, waxay kaloo sheegeen saraakiisha Puntland ay qabsadeen Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay guul ka gaareen dagaalka Tukaraq, islamarkaana ay fariisimo hor leh kala wareegeen ciidanka Puntland, wuxuuna tilmaamay khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu yahay mid kooban.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Federalka ah ee Somaliya ku eedeeyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool, wuxuu sheegay in dowladda ay gadaal ka riixeyso dagaalka uu sheegay in ciidamada Puntland ay ku qaadeen kuwa Somaliland.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in ay la socoto dagaalka dowladda Federalka ah ay ku qaadday Somaliland sida uu hadalka u dhigay, waxa uu intaas ku daray in 25 jeer ay dowladda Somaliya weerar ku qaaday Somaliland, balse wuxuu ku goodiyay in ay mar walba is difaacayaan.

Xaaladan kacsan ee lagu soo waramayo inay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

SHARE