Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Qansaxdheere & Shabaab oo gubay gaari...

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Qansaxdheere & Shabaab oo gubay gaari qaad siday

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, weerar xalay fiidkii Xoogag ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo dagaalyahanada Shabaab ay qaadeen, ayaa lagu beegsaday xeradaasi ciidan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo ciidamada soo gaaray.

Ugu yaraan laba ka mid ah ciidamada la weeraray ayaa halkaasi ku dhintay, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo ciidanka soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhankooda sheegay in Khasaare ay gaarsiiyeen Shabaabkii xalay weerarka ku soo qaaday Degmada Qansaxdheere.

Shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin weerarkan ay xalay ku qaadeen fariisin ciidanka maamulka  Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Dhinaca kale Shabaab ayaa duleedka deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen gaari Qaad siday, iyada oo ay halkaasi ku geeryoodeen afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Waxaa muuqata in Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo Koonfur aysan weli jawaab muuqata ka bixin weerarada Shabaab.

SHARE