Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay Magaalada Laascaanood

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Somaliland ayaa ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo geystay khasaare labada dhinac ah ayaa ilaa hadda si dhab ah aanan loo ogeyn waxa uu ku bilawday.

Dhawr askari oo la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Laascaanood, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Isu socodka gaadiidka dadweynaha ayaa mudo hakad galay,maadaama rasaasta afarta jiho ay iska qabsatay, lagana baqay inay waxyeelo sababto.

Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa waxa ay inoo sheegeen inay wadaan baaritaanada la xiriira sababta uu dagaalka ku bilawday iyo cida qaladka iska leh.

Xaalada goobtii uu dagaalku ka dhacay ayaa hada degan, bacdamaa la kala qaaday dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

SHARE