Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire

Ciidamo ka tirsan Ururka Shabaab ayaa saaka waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, waxayna beegsadeen ciidanka Militariga halkaasi Saldhiga ku leh.

Muddooyinkaan dambe Shabaab waxa ay kordhiyeen culeyska Militari ee ay ku hayaan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, iyadoo dagaalkii saaka uu ahaa mid labada dhinac khasaare kala duwan uu ka soo kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay in dagaalkaasi oo xogtiisa ay hayeen Shabaab ay ku gaarsiiyeen Khasaare, waxaana Saraakiisha ay sheegeen inay dileen laba ka mid ah dagaalyahanadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Idaacada ku hadasha afka Shabaab ayaa baahisay dagaalkaasi saaka dhacay inay ku gubeen gaari noociisa uu yahay Taaw oo ay leeyihiin ciidanka Militariga kuwa ay tababaraan Shirkadda Bancraft.

Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegteen dagaalkaasi inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Militariga, inkastoo labada dhinac guulo ay kala sheeganayaan, haddana ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi.

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose Isniintii todobaadkaan waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Cirfiid oo ciidanka amray inay isku diyaariyaa hawlgalo ka dhan ah Shabaab.

SHARE