Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay wehliyaan ciidamada Itoobiya iyo Ururka Al Shabaab ayaa ka dhacay Deegaano hoostaga Degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalkan oo geystay khasaare kala duwan ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaanada Maykaareebey iyo Limey oo qiyaastii 20-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Garbahaarey.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkan ay qaadeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa Itoobiya, kadib markii ay ka war heleen inay dhaq dhaqaaq wadaan Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in weli ciidanka dowladda ay wadaan hawlgal lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Mintidiinta Al Shabaab oo war kooban ku soo qoray baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen in dagaalkaasi ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland.

SHARE