Waa kuma Macalinka Jaamacadeed ee qaraxa lagula eegtay Magaalada Muqdisho?

C/weli Baadi Maxamed oo barre ka ah Jaamacadda Plasma ee Magaalada Muqdisho, ayaa Talaadadii si xun ugu dhaawacmay qarax miino oo loogu soo xiray gaarigiisii.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay liidato xaaladda caafimaad ee C/weli Baadi Maxamed.

C/weli Baadi Maxamed, ayaa Jaamacadda Plasma ka dhigaayay Kulliyadda International Relationship, iyadoo uu ka mid ahaa macalimiinta kuwooda loogu jecelyahay.

Macalinka, ayaa si dhow ula shaqaynayay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo u sharaxan jegada madaxtinimada dalka (2016).

C/weli Baadi oo shakhsi fir fircoon ah, ayaa sababta loo beegsaday waxaa loo maleynaya la shaqaynta Jibriil Ibraahim Cabdulle, sida ay inoo sheegeen xubno ka mid ah eheladiisa iyo asxaabtiisuba.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku waramaya inaysan iyagu garanayn sababta keentay in la beegsado macalinka, balse waxaa uu sheegay in laamaha ammaanku ay baaritaankiisa gacanta ku hayaan.

Xalane, ayaa masuuliyadda qaraxaasi dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, isagoona carabka ku adkeeyay inaanay jirin cid ay dhaafayan.

cabdiweli-baadi

Baadi oo nin dhalinyaro ah, ayaa ka hor intii aanu ku biirin Jaamacadda Plasma, waxaa uu la shaqaynaayay Shirkadda SKA, xilligii ay maamuleysay Garoonka Aadan Cadde.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com