Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta laba nin lagu toogtay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii goob timaha lagu jarto ay ku weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa la sheegay in ay rasaas la dhaceen raggaasi, xilli sida la sheegay ay goobtaasi u jooggeen in timaha loogu jaro. Timaha Jaraha ay toogashada ka dhacday waxaa uu ku yaallaa Suuq Boocle.

Mid ka mid ah labadaasi nin, ayaa goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii lala dhacay, halka midkii kalana loo qaaday goobaha caafimaadka, isagoo garaab ah.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in dembiile-yaasha ay goobtaasi ka baxsadeen toogashada ka dib, waxaana loo maleynaya in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Dharkiinley, ayaa goobtaasi soo gaaray mar ay ka baxsadeen raggii toogashada ka gaystay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Suggida, ayaa inta badan ku fashilma in ay gacanta ku soo dhigaan kuwa bistooladaha la cararaya, ee dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada muqdisho.

Dadka reer Muqdisho, ayaa kuu sheegaya in ay naadir tahay ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhiga kuwa dilalka ka gaysanaya Caasimadda.

SHARE