Home Wararka Maanta Somaliland oo xukun ku riday Qoraa Baraha Bulshada ku dhaliilay Madaxweyne Muuse...

Somaliland oo xukun ku riday Qoraa Baraha Bulshada ku dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi

Maxkmad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay xukun ku riday Qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo lagu eedeeyay aflagaaddo lidi ku ah Somaliland, kadib markii bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku soo qoray erayo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland.

Maxkamadda ayaa Kayse Bigeeye ku xukuntay Hal sano iyo Lix bilood, maadaama sida Maxkamadda ay sheegtay in uu bartiisa Facebooka ku soo qoray ereyo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local” .

Kayse ayaa inta aan xukunka lagu ridin waxa uu xabsiga ku jiray mudo, haseyeeshee maanta ayaa lagu riday Xukunka, oo aanan la shaacin in racfaan uu qaadan karo.

Sidoo kale waxaa jirtay in Maxamed Keyse Bigeeye horey loo xiray, kadib markii uu buug ka qoray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna buugaasi ugu magac daray Tusaalaha Guusha.

Shalay Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa Saddex sanno oo xarig ah ku xukuntay Naciima Axmed Ibraahim (Qorane) oo ka mid ah hal abuurada dhallinyarada ah, taas oo lagu eedeeyay aflagaaddo ka dhan ah Somaliland.

SHARE