Home Wararka Maanta Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay dhawr arrimood (SAWIRRO)

Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay dhawr arrimood (SAWIRRO)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland.

Kulankan ayaa marka hore golahu uu kaga dooday qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyadoo falanqayn kadib ay golaha Wasiiradu taageereen dhamaan go’aamadii ay madashu gaartay, waxaana ay si rasmi ah u hakisay Jubbaland wadasha qayntii kala dhaxaysay dowlada federaalka ah.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay waxyaabahii u hirgalay labadii bilood ee lasoo dhaafay oo ay ka mid ahaayeen tababarka dhakhaatiirta qaliinada guud iyo qaliino loo sameeyay in ka badan labo boqol oo qof oo faruur laga qalay.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshaha dib u howlgalinta labo isbitaal oo ku kala yaala Magaalooyinka Garbohaareey iyo Baardheere.

Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo bandhigtay qorshaha dabagalka iyo dardar galinta kaalmada bini’aadantinimo ee loogu tala galay dadka Jubbaland.

SHARE