Sheekh C/raxmaan Shariif oo difaacay qoondada dumarka

Sheekh C/raxmaan Shariif oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed, kuwooda ku nool Waqooyiga Mareykanka, ayaa si wayn u difaacay qoondada dumarka laga siiyay Labada Aqal Baarlamaanka (30%).

Sheekh C/raxmaan Shariif, ayaa naqdiyay qaraarka ay soo saartay Hay’adda Culimada Somaliyeed, waxaana uu ku sheegay shay aan xilligan munaasab ku ahayn waqtiga lagu soo beegay.

Sheekh C/raxmaan Shariif, ayaa sheegay Diinta Islaamka inay ka dhaxeyso rag iyo dumarba, isla-markaana aanu jirin sharci dumarka ka horjoogsanaya ka qayb qaadashada siyaasadda.

Sheekh C/raxmaan Shariif, ayaa qaba inaanu waxba ku jabnayn rag iyo dumarba in ayka wada taliyan maslaxada dalka, isla-markaana ay tahay masuuliyad uu Alle wada saaray.

Dumarka Somaliyeed ee aqoonta iyo kartiba u leh inay wax ku soo kordhiyan dalka, aysan jirin wax ka hor istaagaya, ragga iyo dumarkuna uu ka wada dhaxeeyo dalka.

Hay’adda Culimada Somaliyeed, ayaa Axadii sheegtay in sharci ahaan aysan bannaanayn in dumarka lagu biiriyo siyaasadda, taasoo ay ku sheegeen dhaqan dibadda looga keenay Somalida, laguna doonayo in lagu burburiyo qoyska, oo ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyay.

Sheekh C/raxmaan Shariif oo la hadlay VOA, ayaa isagu qaba in burburkii Dowladdii Dhexe Somaliya, ay sababteedu leeyihiin dadka Somaliyeed, isla-markaana aan taasi lagu eedayn karin dalalka shisheeye. Dhib kasta oo dalka ka jira ayuu sheegay inay ku timid aqoon darrida Somalida.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com