Home Wararka Maanta Shabaab oo weeraray Degmada Buulo burde

Shabaab oo weeraray Degmada Buulo burde

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Magaalada Buulo burd ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Wararka laga helaayo Buulo burde, ayaa sheegaya Shabaabka inay weerarkooda la beegsadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka labadaasi dhinac halkaa ku dhexmaray.

Isgaarsiinta oo Magaalada ka maqan, ayaanan si dhab ah loo ogaan karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Buulo burde.

Maalmahan dambe Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo ciidanka Amisom.

Xalay saqdii dhexe ayeey aheyd markii Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan 20-KM u jira Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

SHARE