Home Wararka Maanta Shabaab oo sheegtay Qarax inay ku dileen Sideed Askari Amisom

Shabaab oo sheegtay Qarax inay ku dileen Sideed Askari Amisom

Al Shabaab ayaa sheegtay Qarax miino nooca dhulka lagu aaso inay la eegteen Kolonyo gaadiidka Ciidamada Amisom oo maraayay duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida Shabaabka sheegteen gaadiidkaan ayaa waxa ay marayeen deegaanka Carbiska, halkaasi oo mid ka mid ah gaadiidka Kolonyada Amisom Qaraxa lagula eegtay.

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegtay Qaraxaasi in lala eegtay gaari taaw ah oo Ciidamada Amisom ay wateen, islamarkaana halkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad Sideed Askari.

Ma jirto ilo ka madax Banaanbax shabaabka oo xaqiijinaya sheegashada warka ku aadan in sideed Askari Amisom lagu dilay Qaraxa Miinada ee Ciidamada Amisom lala eegtay.

Xoogaga Shabaab ayaa miinooyin ku aasa wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye oo ammaankeeda faraha uu ka baxay.

Amisom wali kama aysan hadlin Qaraxan lala eegtay gaari ka mid ahaay Kolonyada Ciidamada Amisom oo Muqdisho ku soo jeeday, kaasi oo dhacay shalay galab.

SHARE