Home Wararka Maanta Shabaab oo sheegtay ismiidaaminta lala eegtay Kolonyada Amisom

Shabaab oo sheegtay ismiidaaminta lala eegtay Kolonyada Amisom

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax Ismiidaamin ah oo kolonyo gaadiidka ciidamada Amisom lagula eegtay deegaanka Weydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa Shabaab waxa ay sheegteen inay la eegteen Kolonyo ciidamo Mareykan iyo Amisom isugu jiray kuwaasi oo ka yimid dhanka Xerada ciidamada Balidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, una soo socday Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay Kolonyada ciidamada Amisom iyo kuwa Mareykanka weerarkaasi Ismiidaaminta ah ee lala eegtay.

“Allaah fadligii, Halyeey Istish-haadi ah oo ka mid ah guutada Istish-haadiyiinta wuxuu maanta Alle waafajiyey in uu beegsado Saraakiil cadaan ah oo la socday Kolonyo isugu jirta Amisom iyo American oo ka soo ambabaxday Balidoogle kuna sii jeeday Muqdisho. halyeeygu wuxuu si gaar ah u beegsaday gaari ay la socdeen saraakiisha cadaanka.” Ayuu yiri Sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo Andalus la hadlay.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi Ismiidaaminta ah ee ciidamada Amisom lagula eegtay deegaanka Weydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ciidamada Amisom ayaa waxa ay maraan wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha hoose.

Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, inkastoo illaa hadda dowladda horumar badan aysan ka sameyn dagaalka Shabaab.

SHARE