Home Wararka Maanta Shabaab oo sheegtay inay dileen Taliyihii ciidamada Sirdoonka Garbahaarey

Shabaab oo sheegtay inay dileen Taliyihii ciidamada Sirdoonka Garbahaarey

Maleeshiyaadka Argagixisada Al Shabaab ayaa sheegtay Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Garbahaarey inay ku dileen Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Degmadaasi Salaad Cagalaab.

Dagaalkan oo geystay khasaare kala duwan ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaanada Maykaareebey iyo Limey oo qiyaastii 20-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Garbahaarey.

War Shabaab ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa dhankooda guulo ka sheegtay Dagaalkan, waxayna tilmaameen inay dileen Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Waxaa saakay degan xaalada goobihii lagu dagaalamay, bacdamaa ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda oo wada hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

SHARE