Home Wararka Maanta Shabaab oo dilal ka gaystay Baardheere & Baledweyne

Shabaab oo dilal ka gaystay Baardheere & Baledweyne

Xoogaga Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay rag hubeysan oo ay ugu yeeraan guutada Iqtiyaalaatka in dilal qorsheysan ay ka fuliyeen magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne oo ku kala yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Shabaabka ayaa sheegtay dilka ka dhacay magaalada Baardheere in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmadey.

Sidoo kale Idaacadda Andalus ayaa sheegtay xoogaga ururka Al-shabaab ee dilka geystay in ay qaateen Qoriga iyo Booshkii uu watay Askariga, islamarkaana halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka geystay.

Dhanka kale Shabaab waxay kaloo sheegeen magaalada Beledweyne ee dhacda bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Galbeedkeeda in ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Guhaad.

Marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab ee dilalkan ka kala dhacay magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne ma jirto ilo madax banaan iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo warkan xaqiijinaya.

SHARE