Home Wararka Maanta Shabaab oo dad ku xiray deegaanka Basra

Shabaab oo dad ku xiray deegaanka Basra

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa saaka inay dad ku xirxireen deegaanka Basra ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii dadkaan ay ka shakiyeen.

Inkastoo Basra aysan joogin dad badan oo rayid ah, ayaa haddana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo rag u badan waxaa la sheegay Shabaab inay xabsiga dhigeen, kadib markii ay uga shakiyeen dadkaan inay xiriir la leeyihiin ciidamada dowladda.

Maalmahan dambe Basra waxaa duqeynaayay diyaarado dagaal oo Mareykanka ay leeyihiin, kadib markii Jicmihii aynu soo dhaafnay Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankan.

Dadka la xiray ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ku dhawaad 10 ruux, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada dadkan oo diiday magacooda in la sheego.

Wararka waxa ay sheegayaan in Xoogaga Shabaab dadkaan ay su’aalo ku waydiinayaan isla deegaanka Basra oo dadkaan laga qabtay, iyadoo ehelada dadka la xiray walaac ay ka muujinayaan waxa Shabaab ay  ku sameyn doonaan dadkooda.

Al Shabaab ayaa inta badan waxa ay sameeyaan Magaalooyinka laga qabsado marka ay dib ugu soo laabtaan waxa ay xir xiraan dadka deegaanka kuwa ay ka shakiyaan, iyaga oo ku eedeynaya inay xiriir dhaw la leeyihiin ciidamada dowladda.

SHARE