Home Wararka Maanta Shabaab oo ciidamo cusub ku soo bandhigay Gobolka Shabellaha hoose (SAWIRRO)

Shabaab oo ciidamo cusub ku soo bandhigay Gobolka Shabellaha hoose (SAWIRRO)

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo ka howlgalaya deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii munaasabad ciidamadaasi lagu soo bandhigaayay halkaasi lagu qabtay.

Ciidanka cusub ee Shabaab ay soo bandhigeen ayaa ah kuwa loo yaqaan (Xisbada), ciidankaan ayaa ka howlgalaya deegaanka Kuunya Barow, waxaana la sheegay inay ka hortagayaan dadka Aflaanta xun xun kuwata taleefoonada.

Guddoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha hoose Sheekh Abuu Usaama ayaa madasha ka sheegay in loo baahan yahay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada.

Waxa uu sheegay ciidankaan inaysan dhibaateyn doonin Bulshada, balse ay fari doonaan wanaaga, islamarkaana loo baahan yahay inay ka hortagaan wax kasta oo xumaan ah.

Ciidamadan oo ka tirsan Xisbada ayaa u howlgala sida ciidamada Booliska oo kale, kuwaasi oo loogu talo galay inay ka dhex shaqeeyaan Bulshada dhexdooda.

Deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ka howlgala ciidamada noocaan oo kale ah kuwaasi oo caburiya Bulshada deeganadaasi ku nool.

shabaab-1 shabaab-2 shabaab-3 shabaab-4 shabaab-5 shabaab-6

SHARE