SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay meydadka askar Kenyan ah

Barraha ku hadla afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu baahiyay sawirraan muujinaya meydadka laba ka mid ah Ciidamada Kenya, ka dib markii ay Shabaabku ku soo bandhigeen Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Askartan, ayaa ka mid ahayd illaa lix askari oo Ciidamada Kenya ka tirsan, oo Xoogaga Al Shabaab ay ku dileen weerar 21-kii bishii hore ee September ka dhacay duleedka Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari.

Boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmada Jilib, ayaa isugu soo baxay Fagaarihii lagu soo bandhigay meydadka labada askari, waxaana dadka deegaanka kula hadlay Saraakiil ka tirsan Shabaab.

Sheekh Maxamed Balli oo ka tirsan Saraakiisha Dacwada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in meydadka askartaasi laga keenay gudaha Kenya.

Sheekh Maxamed Balli, ayaa intaa ku daray in askartaasi ay ka tirsan yihiin Ciidamada Kenya, kuwooda ku soo duulay Somaliya, kuna xadgudbay xoolaha nool iyo weliba Badda Somaliya, ay leedahay.

Sheekh Balli waxaa uu bogaadiyay in dadku ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Kenya, illaa iyo inta ay ciidamadeeda dib ugala baxeyso Koonfurta Somaliya, sida uu yiri.

jilib jilib1 jilib2 jilib3 jilib4 jilib5 jilib6 jilib7 jilib8 jilib9 jilib91 jilib92 jilib93 jilib94 jilib95 jilib96 jilib97


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com