Home Dhacdooyinka SAWIRRO: Weerarka lagu qaaday Xarunta Otto Otto ee Magaalada Muqdisho

SAWIRRO: Weerarka lagu qaaday Xarunta Otto Otto ee Magaalada Muqdisho

15 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacantay weerarkii tooska ahaa ee maanta lagu galay Xarunta Otto Otto ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee xaruntaasi, waxaana xigtay dabley hubeysan oo gudaha u gashay dhismaha.

Ciidamada Qalabka Sida oo markii hore ku argagaxay baaxadda uu qaraxaasi lahaa ayaa hadana ku guuleystay in muddo kooban ku soo afjaraan dableydii weerarka soo qaaday.

Intii uu socday iska horimaadka labada dhinac halkaasi ku dhex maraayay ayaa waxaa la maqlay qarax labaad, kaasoo ka dhashay gaari walxaha qarxa saarnaa oo goobtaasi ay ku yimaadeen raggii weerarka soo qaaday. Waxaa kaloo jira in isla goobtaasi sida la sheegay laga maqlay qarax aan xooganayn, oo loo maleynayo in uu fuliyay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, ha yeeshee aanay weli xaqiijin hay’adaha ammaanka.

Ciidamada Dowladda ayaa toogasho ku dilay saddex nin oo kale, kuwaa oo qayb ka ahaa weerarka lagu ekeeyay Dhismaha Otto Otto, oo kaabiga ku haya Isgoyska Sayidka.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale Xarunta Otto Otto ka soo badbaadiyay masuuliyiin kala duwan oo ku xanibnaa. Masuuliyiinta halkaasi laga soo saaray waxaa ka mid ah Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliya, C/naasir Saciid Muuse.

Dhanka kale qaraxyadan ayaa burbur baaxad leh soo gaarsiiyay dhismooyinka ku dhow dhow xarunta la weeraray, dhismooyinkaas oo ay ku jiraan xarumo ganacsi. Waxaa kaloo jira dhawr gaari oo wadada mareysay, lana kulmay qaraxii hore.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Shabaabka inay halkaasi ku dileen wixii ay dili karayn, ayna ku dhaawaceen wixii ay ku dhaawici karayn, sida uu yiri.

Wasiir Geelle ayaa ka dhawaajiyay in dadka dhaawacyadooda dalka wax looga qaban waayo, ay u qaadi doonaan dalalka Somaliya saaxiibada la ah.

SHARE