Home Dhacdooyinka SAWIRRO: Weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay Muqdisho

SAWIRRO: Weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay Muqdisho

Weerarkan oo noqonayo kii ugu waqtiga dheeraa ee Shabaabku ka gaystaan Magaalada Muqdisho ayay ku bartilmaameysadeen dhismayaal ku yaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Weerarka oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu bartilmaameydsaday inta u dhaxeyso Hotel Maka Al Mukarama iyo maqaaxida Hillaac UK, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay dhismayaal ku dhow goobaha la beegsaday.

Weerarkan oo qaatay 21 saacadood ayaa bilowday fiiqnimadii xalay, waxaana la soo afjaray gelinkii dambe ee maanta, iyadoo ay ku dhinteen 30 qof, halka in ku dhow 100 kalena ay ku dhaawacantay.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in khasaaraha uu intaa ka badan yahay, balse waxay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay isu bed bedelayeen xarbigii ay kula jireen raggii weerarka soo qaaday. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dagaalka ku soo biiray duhurnimadii maanta ayaa raggaasi soo afjaray 5:30 galabnimo.

Goobjooge-yaal ayaa sheegay in iyagoo waqti wanaagsan ku qaadanaya goobahaasi ay maqleen qarax aad u xoogan, daqiiqado ka dibna ay maqleen rasaas dhawr jiho ka dhaceysa, xaaladuna ay isu bedeshay mid aad u cakiran.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in weearkan uu burbur baaxad leh soo gaarsiiyay dhismooyin ku teedsan wadada Maka Al Mukarama.

Canab Khaliif Diiriye ayaa warbaahinta u sheegtay marka laga soo taggo khasaaraha uu weerarkaasi gaystay in ay jireen dad fara-badan oo ku go’doomay halkaasi, intii uu weerarku socday. Waxay intaa ku dartay in taasi ay walaac badani ku abuurtay ehelada dadkaasi.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ) oo dhaawac fudud uu weerarka ka soo gaaray ayaa iftiimiyay in weerarada ceynkani oo kala ah ay dhibaato maskaxiyan ku keenaan dadka ka badbaada.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo caawa ka hadlay weerarka uu dhiigga badani ku daatay ayaa bulshada Somaliyeed kaga tacsiyadeeyay khasaaraha ka soo gaaray.

Ra’iisal Wasaaraha oo dhaawacyada ku kormeeray goobaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka waxba dalka looga qaban waayo, ay dibadda u qaadi doonaan, si ay daryeel wanaagsan u helaan.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab ku dhaliilay in ay galeen guri ay dad rayid ahi degan yihiin, ha yeeshee waxaa uu ciidamada ammaanka ku ammaanay in ay soo badbaadiyeen illaa 35 ruux oo rayid ah.

Marka laga soo taggo hadalka Khayre ka soo gaaray ayaa waxaa jira eedeymo loo jeedinayo ciidamada amniga, oo ku aadan in ay wadooyinka wada xireen, taasina ay dhalisay dad badan oo gargaar u baahnaa in ay dhiig bax wadooyinka ugu dhintaan.

Si kastaba ha-ahaatee bulshada Somaliyeed ayaa carro kulul ka muujisay weerarkan, iyadoo ayna soo xoogeysanayso eedeymaha loo jeedinayo Madaxda Qaranka iyo laamaha amniga.

SHARE