Home Dhacdooyinka Daawo Sawirada: Dad badan oo lagu dilay ismiidaamintii Muqdisho

Daawo Sawirada: Dad badan oo lagu dilay ismiidaamintii Muqdisho

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimashada in ka badan labaatan ruux iyo dhaawaca tiro ku dhow toban kale.

Weerarkan, ayaa waxaa lala doonaayay kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo maraayay Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeyso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad. Weerarkan ayuu ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Askar la sheegay in ay la socotay mid ka mid ah kolonyadii galbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi.

Hase ahaatee khasaaraha xoogiisu, ayaa wuxuu soo gaaray dad rayid ah oo saarnaa gaari caasi/hoomey ahaa oo wadada uu kula kulmay qaraxaasi iyo ciidan la sheegay in ay ku sugnaayen maqaaxi ku taala agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay.

Dadka ku dhintay qaraxaasi oo qaarkood cad cad u go’go’ay, ayaa hilbahooda la isu soo uruuriyay, waxaana la arkaayay dad is xilqaamay oo maryo ku qaadaaya hilbaha dhibane-yaasha.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile, Axmed Nuur Cali Siyaad, ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay gaartay 27 qof iyo dhaawacay 9 kale.

“Ninkan is qarxiyay wuxuu watay gaari nooca raaxada oo la yiraahdo Spacio. Si aan looga shakiyin gaari caasi oo wadada maraayay ayuu isku qarxiyay. Meeshana waxaa ku dhammaaday dad rayid ah iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Dhimashada hadda waxay mareysaa 27 qof ah, dhaawacana waa 9 qof. Dadka dhintay waxay u badan yihiin rakaab saarnaa gaarigii caasiga ee ninka uu isku qarxiyay.”

Axmed Nuur, ayaa yiri “Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa, wadada si nabadgelyo leh ayuu kaga gudbay, marka laga reebo rayidka iyo askarta ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.”

Goobjooge, ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Xoogga uu saarnaa gaari nooca aanay rasaasta karin, waxaana la beegsaday, xilli uu ka soo laabtay munaasabad lagu qabtay Xarunta Gaashaandhiga oo uu xilka kula wareegaayay.

Wadada qaraxan lagula eegtay General Cirfiid, ayaa 18-kii bishii September ee sanadkii 2016-ka ismiidaamin ka dhacday waxaa lagu dilay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga.

Ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo beegmaysaa laba cisho ka dib, markii Madaxweyne Farmaajo uu is bedel ku sameeyay Taliye-yaasha ciidamada, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

 

SHARE