Home Dhacdooyinka SAWIRRO: Fariisimihii Ciidanka Itoobiya ee Degmada Ceelbuur

SAWIRRO: Fariisimihii Ciidanka Itoobiya ee Degmada Ceelbuur

Waa sawirran muujinaya daafacyada Ciidanka Militariga Itoobiya ku lahaayen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku sugnaayen.

Ciidanka Itoobiya, ayaa maalintii Isniinta isaga baxay Degmada Ceelbuur, xilli aanay wax sabab ahi u sheegin Maamulka Dowladda Somaliya ugu magacaaban degmadaasi.

Nuur Xasan Xuseen, Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, ayaa xaqiijiyay Ciidanka Itoobiya in aanay u sheegin ka bixistooda halkaasi, balse ay arkayeen oo keliya inay isaga guurayeen degmada.

Ciidanka Itoobiya, ayaa daafacyo dhirirsan ka samaystay Ceelbuur, iyadoo ay ka gaabiyeen hawlgalkii halkaasi loo geeyay, oo ku aadanaa xasilin iyo nabadgelyo ay ku soo dabaalan, ka dib kala wareegistoodii Al Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, ayaa si xoogan Ciidanka Itoobiya ugu eedeeyay inaanay kala qayb qaadan horumarka deegaanka, marka laga soo taggo in daafacyadoodu ku uruureen. Kolka ay doonanayan saadka/sahayda, ayuu sheegay in wadada ku dilayeen rayidka.

Gudoomiyaha, ayaa Ciidanka Itoobiya iyo Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in ay shacabka ku khasbeen inay ka cararaan guryahooda.

Is bedelka saddex sano ka hor ku yimid gacan ku haynta Degmada Ceelbuur, ayaa sababay barakac baahsan iyo burbur degmadaasi ka soo gaaray dagaalada ku dhex maray Ciidanka Itoobiya iyo Shabaabka. Ceelbuur waxaa dib u qabsaday Shabaab.

Wadamada Midowga Afrika ee ciidamadu ka jooggan Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in aanay daacad ka ahayn hawlgalka ay ka wadaan dalka.

SHARE