Home Dhacdooyinka SAWIRRO dheeraad: Ismiidaamintii ka dhacday Degmada Wadajir

SAWIRRO dheeraad: Ismiidaamintii ka dhacday Degmada Wadajir

Waa sawirran muujinaya weerarkii ismiidaaminta ee Talaadadii lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayna ku dhinteen dad ka badan 10 qof, 18 kalana ay ku dhaawacantay.

Weerarkan, ayaa waxaa gaystay nin naftii hallige ahaa oo la socday gaari caasi, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana uu weerarkaasi soo qaaday, xilli Maamulka Degmada uu shir la lahaa ururada bulshada ee ka dhisan Wadajir.

Goobjooge-yaal, ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC u sheegay in ay arkayn meydadka 12 qof. Sidoo kale madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ee Amiin, Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa xaqiijiyay in goobtaasi ay ka qaadeen dhaawacyada 12 ruux.

Dadka weerarkani ku dhaawacmay waxaa ka mida Cumar C/laahi Xasan, Gudoomiyihii Degmada Wadajir, waxaana la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid fudud, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab).

Marka laga soo taggo dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxani, ayaa waxaa jira burbur xoogan oo uu qaraxaasi soo gaarsiiyay Xarunta Degmada Wadajir iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, iyadoo uu weerarkan ku soo beegmayo, lix maalmood ka dib weerarkii dhiigga badani ku daatay, ee Shabaabku ku qaadeen maqaaxida Pizza House ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul u cambaareeyay ismiidaaminta ka dhacday Degmadaasi Wadajir, isaga oo shacabkana ugu baaqay in ay la shaqeeyan hay’adaha amniga.

SHARE