Home Wararka Maanta SAWIRRO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Baay & Bakool

SAWIRRO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Baay & Bakool

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool, si ay u dardargeliyaan dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku hawlan sidii guluf xoogan loogu qaadi lahaa dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin Deegaanada Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed oo qaarkood ciidamada ku booqday goobaha ay dhaqdhaqaaqyada ka wadaan, ayaa waxay ku booriyeen inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Dhaqdhaqaaqyadan waxay ku soo beegmayaan, xilli Ciidamada Koonfur Galbeed oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom, ay toddobaadkan dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhaqdhaqaaqyadu waxay u muuqdaan kuwo looga gol leeyahay culeys in lagu saaro Shabaabka, si looga saaro deegaanada ay ka jooggaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore sheegay inay ka go’an tahay, sidii mintidiinta Al Shabaab looga saari lahaa Deegaanada Koonfur Galbeed. 

SHARE