Home Wararka Maanta Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo hawlgal lagu dilay

Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo hawlgal lagu dilay

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa waxaa xalay lagu dilay Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay, ka dib markii ay hawlgal ku galeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka oo ka ambabaxay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa ku guuleystay in hawlgalkaasi ay ku dilaan Gudoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow.

Ninkan oo magaciisa lagu gaabiyay Ibdiyow ayaa sida la sheegay waxaa loogu dhacay hoygii uu Ufurow ka deganaa, iyadoona ay ciidanka ku dhex dileen, ka dib markii uu dagaalamay.

Ciidanka oo aan hawlgalkoodu la dareemin ayaa dib ugu laabtay Degmada Qansaxdheere, waxayna dilka ninkaasi Shabaabka Ufurow ka arrimiya ay ka war helayn goor dambe.

Saraakiisha Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa Dhacdo.com u sheegay in hawlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, ciidankana ay u fuliyeen sidii loogu talagalay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedada ninkaasi loo qaarajiyay ay ahayd isagoo soo abaabuli jiray weerarada Shabaabka ku soo qaadayaan Qansaxdheere, sidoo kalena uu ninkaasi juhdi ku bixin jiray go’doominta Shabaabku ku hayaan degmadaasi.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa bogaadiyay hawlgalka ay ciidanka ku dileen Gudoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow.

Wasiirka ayaa Ciidamada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay kordhiyaan weerarada gaarka ahi, ee ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Xasan Eelaay ayaa qaba in weerarada ceynkani oo kala ah ay qayb ka noqon karaan dadaalada lagu doonaayo in lagu wiiqo awoodda Shabaabka hubdeysan ee dagaalka dalka ka wada.

SHARE