Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir Mukhtaar

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir Mukhtaar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka Somaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Warqadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Somaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sababta shaqada looga joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay socoto baaris ku aadan eedeyn ay Hantidhawrka iyo Xeer ilaalinta ku soo oogeen Wasiir ku-xigeenka, taasi oo  la xiriirta musuq maasuq.

“Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, markuu arkay qodobka 100, xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS, markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka Golaha Wasiirada, shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka, markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda, markuu garowsaday in laga gun gaaro dulucda murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha August sanadka 2018-ka, waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa Sabtidii ina dhaaftay waxa ay xafiiskiisa shaqo ugu tageen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda, si ay u soo xireen, waxaana ka dhashay muran sababay inuu soo fara geliyo R.W Khayre.

Dowladda Somaliya ayaa maalmahan waxa ay wadaa hawlo ku aadan sidi gacanta loogu soo dhigi lahaa ragga musuq maasuqa ka ada xafiisyada dowladda, waxaan hada musuq maasuq u xiran masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka.

SHARE