Home Wararka Maanta Ra’iisal Wasaare Khayre oo booqasho ku tagey Xeebta Liido (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Khayre oo booqasho ku tagey Xeebta Liido (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, ayaa maanta booqasho ku tagey Xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaayay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed.

Masuuliyiintan, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii xilligii damaashaadka u joogay Xeebta Liido. Ra’iisal Wasaaraha ayaa la arkaayay isagoo gacan-qaadaya dhalintii ku sugneyd Xeebta Liido.

Waa booqashadii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Ra’iisal Wasaare Khayre uu ku taggo Xeebto Liido, tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda.

Booqashadiisan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli maalmihii ugu dambeysay uu waday kormeero kedis ah, oo uu ku kormeerayay Xarumaha Wasaaradaha Xukuumadda.

SHARE