Home Wararka Maanta Raiisal Wasaare Khayre oo amar siiyay Duqa Muqdisho

Raiisal Wasaare Khayre oo amar siiyay Duqa Muqdisho

Xasan Cali Khayre Raiisal Wasaaraha dalka, ayaa amar ku siiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho inuu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa sheegay inuu faraayo Duqa Muqdisho inuu arintaasi dhaqangeliyo, islamarkaana warqad uu geeyo xafiiska Raiisal Wasaaraha Somaliya, warqadaasi oo ay ku cadahay hanaanka dhalinyarada shaqada loo siinaayo.
Wuxuu sheegay Raiisal Wasaaraha Somaliya tani inay tahay bilow fiican oo dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho lagu dhiiragelinaayo.

“ Waxaan idin kugu Bishaareynayaa inaan idiin keeno Hadiyadii ugu horeysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaan ugu Bishaareynayaa inuu berri xafiiskeyga keeno warqad, taas oo lagu amraayo inuu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro ah oo degan Magaalada Muqdisho, waxaan ka codsanayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in shaqadaasi yar ee bilowga ah uu uguto sida ugu haboon ay u istaahilaan dhalinyarada.” Ayuu yiri Raiisal Wasaaraha Somaliya oo ka hadlaayay xaflad lagu maamuusaayay Maalinta dhalinyarada.

Dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa wuxuu tilmaamay Raiisal Wasaaraha Somaliya in laga sameyn doono arintaan oo kale, aysana ku ekaan doonin Muqdisho gudaheeda.

Tallaabada uu qaaday Raiisal Wasaaraha Somaliya ayaa ah mid dhiiragelinaysa dhalinyarada Somaliyed ee shaqo la’aanta ku haysata Magaalada gudaheeda, kuwaasi oo qaarkood door biday Shabaab inay ku biiraan, halka qaar kalena dalka ay ka tahriibeen oo baddaha ay ku dhamaadeen.

SHARE