Home Wararka Maanta Ragga afduubtay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba oo madax furasho dalbaday

Ragga afduubtay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba oo madax furasho dalbaday

Koox looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaana Bishii hore Mandheera ka afduubtay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa waxaa ay dalbadeen Lacag madax furasho ah.

Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyay in Kooxda haysata dhaqaatiirta u dhashay dalka Cuba ay dalbadeen $1.5Milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Kooxda afduubtay dhaqaatiirta ayaa dalabkan soo marsiiyay Odayaasha Mandheera oo ugu tagay Tuulo u dhaxeysa Bu’aale iyo Ceel Cadde oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubbada dhexe.

Odayaal ka kala socda Magaalooyinka Baled Xaawo iyo Mandheera ayaa ragga afduubka u heysta dhaqaatiirta kula kulmay tuulo ku taalla howdka u dhaxeeya labada Magaalo waxaana ay dalbadeen Hal Malyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah.

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in dhaqaatiirta ay afduubteen Burcad caadi ah kaddibna u gacangeliyeen AL-shabaab.

Odayaashii loo diray wadaxaajoodka lagu soo deynayo raggaas ayaa soo qaaday dalabka kooxda afduubka heysata, waxaana ay hadda wada hadal kula jiraan dowladda Kenya.

Dhaqaatiirta u dhashay Cuba ee ka shaqeynayay Wajeer,Gaarisa,Tana River iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalida ayaa lagu celiyay Nairobi kaddib afduubkii labada dhaqtar.

SHARE