Home Wararka Maanta Rag hubeysan oo Muqdisho ku dilay nin Ganacsade ahaa

Rag hubeysan oo Muqdisho ku dilay nin Ganacsade ahaa

Rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dileen nin ka mid ahaa dadka Deegaanka.

Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Allaha unaxaruistee Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi.

Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan.

Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay.

Maalmahan dambe magaalada Muqdisho waxaa ku kordhay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saraakiisha dowladda iyo dadka dhacabka ah.

SHARE