Home Wararka Maanta Rag bartilmaameyd ahaa oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Rag bartilmaameyd ahaa oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Hay’adaha ammaanka dowladda federalka ayaa hawlgal bilawday xalay fiidkii waxa ay ka sameeyeen xaafadaha Waaxda Maajo, degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, hawlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamo isugu jira NISA iyo Boolis.

Dad degan degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegeen ciidamada hawlgalka waday inay la socdeen rag si wanaagsan u garanaya dadka degan xaafada, islamarkaana ciidamada ay guryaha qaar si gaar ah u bartilaameedsanayeen.

Maamulka degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegeen hawlgalkan in ciidamada ay ku soo qabteen 700 oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo qaarkood lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Ururka Al Shabaab, balse la geeyay dhammaan dhalinyarada saldhig Galbeed, si halkaasi loogu kala saaro.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen hawlgalkan gaarka ahaa in lagu soo qabtay rag bartilmaameyd ahaa, oo uu ka mid yahay ninkii degmada Waaberi ku dilay xilli habeen ah General Cabdulle (Qururux) oo horey u soo noqday Taliye ku xigeenkii hore ee saadka ciidanka xoogga dalka, 24-kii September 2017-kii.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen ragga sida gaarka ah loo tuhmayay in la geeyay xarunta dambi baarista ee C.I.D-da, halkaasi oo lagu baarayo, halka dhalinyarada kale la geeyay saldhig Galbeed ee degmada Dharkeynley.

Inta uu hawlgalkan socday ayaa waxaa saraakiisha ciidamada hoggaamineysay kormeer ugu tagay Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Waaberi Xabad Raage Habar-waa iyo saraakiil kale.

Hawlgalkan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho tan iyo markii amniga Muqdisho lagu wareejiyay ciidanka Boolis Millataria.

SHARE